Maamulka Puntland oo  Waxgaradka Gobalka Sool Kala Hadlaya in ay Qeyb ka Sii Ahaadaan Puntland+Dhageyso

0

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Dastuurka Maamulka Puntland Cali Ciise Oogle ayaa Gaaray Deegaano ka tirsan Gobalka Sool oo ay ka taagan tahay Xiisad Dagaal oo u Dhexaysa Ciidamo kala Taabacsan Maamulada Soomaali-land iyo Puntland.

Wasiirka Dastuurka Maamulka Puntland Cali Ciise Oogle ayaa Sheegay in Asaga iyo Wafdigiisa uu Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo uu Xilsaaray inay Beelaha Gobalkaasi ay ka Dhaadhiciyaan in ay Qeyb ka sii ahaadaan Puntland Xili Beelaha Gobalka Sool ay Wada hadalo kula jiraan Maamulka Soomaaliland si ay uga Qayb-galaan Doorashooyinka maamulkaas.

Wasiirka ayaa waxa uu kormeer ku Sameyey Deegaanada ay isku Hor fadhiyaan Maleeshiyaadka ka soo kala jeeda labada Maamul ee Soomaali-land iyo Puntland waxa uuna Tilmaamay inay Deegaanadaas ay u gaareen inay u kuurgalaan Xalada Amaanka ee jirta.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here