Afhayeenkii kooxda Daacish ee dalalka Ciraaq iyo Siiriya Abuu Maxamed Al-Cadnaani ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay Magaalada Xalab ee wadanka Siiriya.
Warar lagu baahiyay wakaalada wararka Amaq ee lagu daabaco wararka kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in afhayeenka lagu dilay magaalada Xalab ee wadanka Siiriya isagoo kormeerayay goobaha dagaalka ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowlada Islaamiga.
Abuu Maxamed Al-Cadnaani ayaa kamid ahaa kooxda daacish Muddo badan isagoo dhawaan loo magacaabay Afhayeenkii Guud kooxda Daacish ee dalalka Ciraaq iyo Siiriya ee bariga Dhexe.

