Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarka maanta lagu qaaday afafka hore ee Madaxtooyada Villa Soomaliya.
Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada Shabaab ayaa baahisay war kooban oo ku saabsan qaraxa ka dhacay afafka Hore ee madaxtooyada magaalada Muqdisho.
Shabaab waxa ay sheegeen in weerarka lala bartilmaameedsaday Hoteelka SYL oo ku yaala meel ku dhow afafka Hore ee Madaxtooyada Soomaliya waxa ayna tilmaameen in ay ku sugnaayeen Hoteelka Mas’uuliyiin dowlada Federaalka Soomaliya oo wax ku noqday sida warka ay u dhigeen shabaab.
Xarakada al-shabaab waxa ay sidoo kale ay tilmaamtay in la burburiyay dhismihii Hoteelka oo ay sheegeen in ay ku shirayeen Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowlada soomaliya.

