Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhaweyd ka dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.
Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu qarxiyay Afafka hore ee Madaxtooyada Somaliya.
Hotelka Siyad iyo Hotelka SYL oo ah kuwa u dhow Madaxtoyada soomaliya waxaa soo gaaray bur bur xoogan oo ka dhashay qaraxa xoogiisa laga maqlay inta badan Gudaha Magaalada Muqdisho.
Bartilmaameedka ayaa ahaa Xarunta Madaxtooyada Soomaliya balse waxaa la sheegay in uu gaariga ku qarxay afafka Hore.
Qaar kamid ah wariyayaasheena oo ku sugan meel aan sidaas ugu fogeyn ayaa soo sheeegaya in uu jiro qasaaro soo gaaray Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada soomaliya oo ku sugnaa Hoteelka Siyaad iyo dad rayid ahaa oo wada marayay.
Kala Soco Simbanews.com wixii kusoo kordha










