Carlo Ancelotti oo Real Madrid U Saadaaliyay In ay ku Guuleysato Horyaalka Spain

0

Macalinkii Hore ee kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti haatana ah Hogaamiyaha kooxda Beyer Munich ayaa u rajeeyay kooxdiisa Hore in ay xili ciyaareedkaan ku Guuleysato horyaalka dalka Spain oo muddo sanado ah aysan ku guuleysan.

Madrid ayaa 3-dii sano aynu soo dhaafnay ku Guuleysatay 2-koob oo Champions League iyadoo sidoo kale ku dhameysanaysa kaalimaha labaad madaama Barcelona iyo Atletico Madrid ay ahaayeen naadiyada ku guuleysanayay koobka Spain.

Real Madrid  ayaan ku Guuleysan koobka Horyaalka Spain tan iyo sanadkii 2011-12 Barca iyo Atletico ayaa wada qaaday afar koob tan iyo sanadkaas.

“Horyaalka Spain waa mid aad u adag laakin waxaan ka fikirayaa muddo sanado kadib in Real Madrid ay ku Guuleysanayso” ayuu yiri Ancelotti oo la Hadlay RAI.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here