Inta la xaqiijiyay dad kor u dhaafaya 60-ruux ayaa ku dhimatay Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada tababarka ciidanka militiriga oo ku taalla magaalada labaad ee Cadan dalka Yamen.
Sargaal ka tirsan ciidanka ammaanka ayaa u sheegay Wakaalada wararka dalka France ee AFP in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lala beegsaday kulan ka mid ah askarta cusub ee xerada waqooyiga Magaalada Cade nee dalka yemen.
Magaalada Cadan ee dalka yemen oo saldhigg u ah dawlada la masaafuriyay ee ku meelgaarka ah ayaa waxaa ka dhacay mowjado qaraxyo iyo toogashooyin lagu beegsanayo saraakiisha iyo ciidamada ammaanka.
Mas’uuliyada qaraxa ka dhacay Magaalada Caden ee dalka yemen waxaa sheegtay Kooxda Daacish.









