Madaxweynihii Hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo la Hadlay warbaahina ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay colaado kasoo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo haatan ah mid ay wada dagan yihiin Maamulka Puntland iyo Galmudug.
Siyaasiga Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa ugu baaqay Labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug in wixii ay kala tabanayan in ay miiska wadahadalka ku xaliyan ayna ku dul dagaalamin mar kale shacabka Magaalada Gaalkacyo.
“Shacabka Gaalkacyo degan yaan dushooda lagu dagaalamin, xiisadaha waxa abuuraya waa in la iska daayaa, Galmudug iyo Puntland waa labo maamul oo deris ah wixii ay kala tabanayaan wada hadal haku dhameeyaan.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).
Tan iyo markii uu weerarka ismiidaaminta uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo dhanka Maamulka Puntland, waxaa jirey hadalo xanaf leh ay hawada isu marinayeen labada Maamul, Puntland ayaa amar ku bixisay wixii ka dambeeya 1/9/2016 in la joojin doono wixii gaadiid ahaa ee kaga imaan jirey dhanka koonfurta iyo bartmaha dhulka Soomaliya, taasina waxa ay ka careysiisay Maamulka Galmudug oo ku hanjabtay In ay Talaabo qaadi doonaan.

