Dhageyso:-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo Maanta ku Wajahan Magaalada Baraawe

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan sheikh aadan ayaa maanta ku wajahan Magaalada Baraawe ee Caasimada Maamulkaas.

Ujeedka Wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay sidii uu xariga kaga jari lahaa  Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe ee Caasimada maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Jeex oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in si weyn loo adkeeyay amaanka Magaaladaas islamarkaana la isku diyaarinaayo soo dhaweynta Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan sheikh aadan.

Magaalada Baraawe  ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ah Caasimada maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya waxaana hada uu maamul Koonfur Galbeed Si KMG ah ugu shaqeeya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here