Shir Madaxeedka 6-aad ee Waddamada Afrika iyo Japan oo Maanta ka Furmaya Magaalada Nairobi

0

Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya waxaa maanta ka Furmaya Shir Madaxeedka 6-aad ee Waddamada Afrika iyo Japan ee TICAD (Tokyo International Cooperation with Africa Development) iyadoo Soomaliya ay shirkaan ka qeyb gali doonto.

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shalay Gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay Madax ka Tirsan Dowlada Soomaliya oo horey ugu sugnaa Magaaladaas.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalaya dhammaan madaxda Afrika iyo Japan, waxaana labada maalmood ee uu socdo diiradda lagu saari doonaa maalgashiga Afrika, fursadaha ganacsi ee labada dhinac dhexmaraya iyo ka faa’ideysiga kheyraadka labada dhinac.

Soomaaliya ayaa horey uga qeybgashey shirkii TICAD ee 2013-kii, waxaana sannadkan la filayaa in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay kulamo gaar ah la yeeshaan madaxda Japan iyo kuwa kale ee qaaradda Afrika ka socda.

Waa markii ugu horeysay ee shirkan lagu qabto qaaradda Afrika, iyadoo shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Tokyo lagu heshiiyey in shir madaxeedka TICAD martigelintiisa ay is weydaarsadaan dalalka Afrika iyo Japan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here