Inta la xaqiijiyay Laba qof oo dad rayid ahaa ayaa ku geeriyootay kadib markii rag hubeysan Bambo gacmeed ay ku tuureen goobo Ganacsi uu dab qabsaday Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ee Magaalada muqdisho.
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geedi oo uu waramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA, ayaa sheegay goobo ganacsi oo uu dab qabsaday ay damiyeen Kooxaha Dabdamiska Maamulka Gobalka Banaadir.
Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geedi Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir ayaa tilmaamay in markii lagu guuleystay in dabka la damiyo kadib rag Hubeysan ay Bambo Gacmeed ku tuureen goobta uu dabka ka kacay taasina ay keentay dhimashada Labada qof oo dadka rayidka kamid ahaa.
Dhanka kale Agaasimaha Waaxda Dabdamiska Gobalka Banaadir Cabdullaahi Maxamed Cabdulle “Saney” ayaa sheegay in ay damiyeen Ciidamada dab damiska Maamulka Gobolka Banaadir dab baabi’iyay illaa Todobo Tukaan oo isugu jiro goobo lagu iibiyo Qalabka Elaktarooniga, Bagaashka iyo Goob Shidaal oo aad ugu dhaweyd.
Warar kaloo soo baxaya ayaa sheegaya in askar ka Tirsan Ciidamada Dowlada soomaliya ay ku dhinteen bambo Gacmeedka goobta lagu tuuray.

