Siyaasiga C/samad Maxamed Gallan oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa wax laga Xumaado ku Tilmaamay Go’aankii ka soo baxay Madaxweyne ku xigeen Maamulka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camey oo lagu joojiyey Gaadiidka Xoolaha iyo Badeecooyinka u kala Gudbiya Deegaanada Puntland iyo Gobalada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Gudooyimaha Hore ee Gobalka Bari Mudane C/samad Maxamed Gallan ayaa Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo ku Xigeenkiisa ku eedeeyey inay wadaan Falal ka dhan ah Midnimada Umada Soomaaliyeed oo u baahan in laga Shaqeeyo Maslaxadeeda iyo isku keenideeda.
“Shacabka Reer Puntland iyo Dadka Samaha ka taliyaa ma ahan Go’aan ay la qabaan C/wali iyo Camey Kooxdooda oo ku eedeeysan in Puntland Bur-buriyeen waa Arin aan Boqolkiiba Boqol aan ka soo Horjeedno waxayna keenaysaa kala Fogaansho iyo Amaanka Puntland uu gacanta ka sii baxo C/wali Xubnaha Maamulkisa waxa ay Caadaysteen inay ka ganacsadaan Dhiiga Soomaaliyeed oo ay hor istaagaan Wixii Horumar ahaa oo ay ugu yimaadeen Puntland” ayuu yiri C/samad Gallan
Hadalka Siyaasiga C/samad Gallan ayaa waxa uu imaanayaa ayadoo go’aan Shalay ka soo Baxay Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Puntland lagu Sheegay in Puntland ay Joojisay Isku Socodkii Gaadiid Gobalada Koonfurta,Bartamada dalka iyo Deegaanada Puntland u kala Gudbin jiray wixii ka Dambeeya 1-9-2016

