Dhegeyso:- Heshiis La Dhexdhigay Beelo Muddo ku Dagaalamayay Deegaanka Xawaadlay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe

0

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Qeyraadka Bada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Ceymooy oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in uu ku guuleystay Heshii la dhex-dhigo Beelo Muddo ku Dagaalamayay Deegaanka Xawaadlay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ka dib kulamo uu laqaatay Odayaasha dhaqanka maleeshiyaadka Dagaalamay.

Wasiirka Ceymooy ayaa Rajo ka muujiyey Heshiiskaas Hordhaca ah uu Dhaqan galo islamarakaan aysan dib u soo laaban Colaada labada Beelood ee wada daga deegaan Xawaadley iyo deegaano kale oo u xeeran.

Wasiirka Kalluumaysiga Maxamed Cumar Ceymooy ayaa Idaacada Simba wax ay Weydiisay halka  uu marayo Shirka Jowhar ee Maamul u Sameeynta Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waxaa uuna Tilmaamay waxa uu Soo Dhawaynayo Dadaal walba oo Xukumadda Soomaaliya ku doonayso in lagu soo Dhiso Maamulka labadaasi Gobal.

Ceymooy ayaa ugu Danbaytii Xusay Wasiirada iyo Xildhibaadana ka soo Jeeda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo Bulshada Labadaasi Gobal ay ka Digayaan in Qaab qaldan loo wajaho Arimaha Shirka Jowhar ka furan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here