Taliyaha Nabad sugida Gobalka Banaadir;” Waxaan Gacanta ku Dhignay Mid kamid ah Ragii Weerarka Soo Qaaday”, Sawirro

0

Taliska Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ayaa sheegay in Ciidamada ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan isagoo nool mid kamid ahaa ragii xalay weerarka kusoo qaaday Maqaayada Banaadir Beach oo ku taala xeebta liido ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Nabad sugida Gobalka Banaadir Cabdi Fareey ayaa Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in Ciidamada Nabad Sugida qabteen nin kamid ah ragii weerarka soo qaaday  ahaana ninkii ka xeynayay gaarigii kowaad ee lagu qarxiyay elinka Hore ee Maqaayada Banaadir Beach ee Magaalada muqdisho.

Taliyaha Nabad sugida Gobalka Banaadir Cabdi Fareey ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada amaanka ay soo badbaadiyeen dad kor u dhaafaya 20-ruux ookamid ahaa dadkii ku caweynayay Maqaayada Banaadir Beach oo ku taala xeebta Liido

gare_1 gare_2 gare_3 gare_4

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here