Warbixin:-“Ciqaabta Dalkeena Heysata Cadaalad Daradaa u Cilad ah!”,

0

Cadaaladu waa sheyga ugu horeeyo ee noolaha maanka wanaagsan leh looga baahan yahay in uu sameeyo waana tan looga fadhiyo in ruux waliba uu u sameeyo: ehelka, waalidka, dariska, umadda aad hogaanka u tahay, iyo kuwo kale aanan halkaani lagu soo koobi karin.

Cadaaladda waxaa kusoo orooray aayado qur’aan kariim ah iyo axaadiith fara badan dhamaantoodne waxa ay ka hadleen sida umaddaani looga baahan yahay in ay u fuliyaan Cadaalada.

Hadii aan usoo daa dago soomaaliya oo dadkoodu ee yihiin 100% muslimiin suniyiin ah waxaa Dhibaatooyin ka jiraan dhowr iyo labaatan sano iyadoona cudurka ugu weyn ee soomaalida ku dhacay uu yahay cadaalad darada ay dadkeena kala tirsanayaan.

Ciqaabta dalkeena Heysata cadaalad daradaa u cilad ah waa cinwaan maskxadeyda muddo ka dhex guuxeysay waana midda aysan u muuqan dadka u badan kuwa sameeyo cadaalad darada.

Dhinacyada dalkeena cadaalad darada laga sheego waxaa kamid ah: awood qeybsiga xilalka dalka, kala heysashada hantida sida tan ma guurtada ah, wax qeybsiga sida deeqaha, Xukun ridista dadka dambiyada kala duwan kala tirsada, shaqaaleysiinta bulshada kala duwan iyo kuwo kale oo aad u fara badan.

Mas’uuliyiinta dowladda had iyo jeer marka ay hadlayaan waxa ay sheegaan in dhibaatooyinka cadaalad darada ay wax ka qabanayaan balse muddo kadib waxaa soo ifbaxa kuwo ka daran kuwii hore.

Culumada Soomaaliyeed ayaa badi dadka u sheegay cadaalad darada iyo dhibaatooyinka laga dhaxlo hase yeeshee intaasi kuma hakato oo waa ay sii socotaa Cadaalad Darada.

Alle subxaanahu watacaalaa ayaa suuratul ambiyaa aayadeeda 47-aad ugu hadlay in Maalinta qiyaamaha la dajin doono miisaano isla markaana aanan qofne la dulmin doonin, waa tusaale cad oo aan ka qaadan karno sida ay diinteena ay cadaaladda muhiimadda u siisay.

Soomaalidu waxa ay wax ku qeyb sataa awood qeybsi 4.5 waxaana jiro dadka qaarkood ee la dhahay .5-ta in ay tirsanayaan cadaalad daro maadaama nus laga dhigay taasine waxa ay muujineysaa in cadaalad daro loo geystay.

Dhismaha guryaha waxa aad arkee in dadka ay isku sheegtaan awood iyadoona xiliyada qaar dadka ay isku dhibaateeyaan sida ay u kala dad badan yihiin.

Cadaalad darada ayaanan lagu soo koobi karin hal faallo waxaase jiro meelo badan oo ay ka jirto cadaalad daro xooggan oo hadii aanan la helin daba qabad dhibaatadeeda ay jiri doonto.

Qoysaska xitaa waxa ay sameeyaan cadaalad daro oo mararka qaar waxaad arkeysaa owlaad wada dhashay oo waalidka ay u kala eexanayaan.

Goobaha inta badan cadaalad darada ay ka jiraan waxaa sidoo kale kamid ah: Goobaha waxbarashada, Goobaha adeegyada caafimaadka lagu bixiyo iyo dhamaan goobo kale oo u badan Bulshada kuwa u ah lagama maar maanka.

Mid kamid ah dadka aan la kulmay ayaa ii sheegay in mid kamid ah goobaha laga dacwoodo uu u aaday in kiis uu ka furto balse waxa uu ii sheegay in lagu yiri in shaqsiga uu ka dacwoonayo aysan dacwadiisa Qaban.

Caaladda ayaa lagu miisaamay muhiimadda nolosha bani aadamka waana midda u kala xaq qaaday dadka wax isku heysto sida: Dhaxal, Diyada, Shaqada iyo kuwo kale.

Gunaanadkii soo lama dhihi karo Ciqaabta dalkeena Heysata cadaalad daradaa u cilad ah!

Waxaa Diyaariyay Warbixintaan Wariye Bashiir Maxamuud Yuusuf Bk

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here