Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarka Caawa Lagu Qaaday Maqaayada Banaadir beach

0

Inta la xaqiijiyay 5-ruux ayaa ku dhimatay kadib markii dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ay Caawa weerar qorshaysan ay ku qaadeen maqaayada banaadir Beach oo ku taala xeebta liido ee degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ku Bilowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay irida Hore ee Maqaayada Banadir Beach intaas kadib dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab waxaa u suurta gashay In ay Gudaha u galaan.

Rasaas iyo Qaraxyo bambaano ayaa laga maqlayaa dhismaha Maqaayada Banaadir Beach, waxaana wali adag in la ogaado qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka wali socda, waxaana wali dhismaha Maqaayada lagu heestaa dad halkaasi ku jiray.

Ciidamo ka Tirsan Kuwa Hay’adda Nabada Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliya oo goobta gaaray ayaa kula dagaalamaya Gudaha maqaayada dagaalyahanada ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee suurta gashay in ay Gudaha u galaan goobta.

Maqaayadan Caawa la weeraray ayaa aheed mid caan ka ah Gudaha  Magaalada Muqdisho ayna inta badan ku caween jireen dhalinyaro ka timaada xaafadaha kala duwan ee Muqdisho, Maqaayadan ayaana ah mid mashquul badan caawa oo kale oo jimcaha.

Dhanka kala Mas’uuliyada weerarka waxaa sheegtay Xarakada Al-shabaab oo warbaahinadooda ku baahiyay In ay dileen askar iyo saraakiil ka Tirsan Dowlada Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here