Iska hor imaad kooban oo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Soomaliya iyo koox Hubeysan ayaa ka dhacay Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Iska hor imaada ayaa yimid sida la sheegay kadib markii rag ku hubeysnaa Bastoolado ay weerar ku qaadeen labo askari oo ka Tirsan Ciidamada Dowlada Soomaliya waxa ayna halkaasi ku dileen mid kamid ah ciidamada Dowlada halka mid kalana dhaawaceen.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in Weerarkaasi uu ku dhintay hal askari sidoo kale askariga dhaawacnaa uu isna halkaasi ku dilay mid kamid ah ragii hubeysnaa oo doonayay in uu dhameestiro kana qaato bistoolad uu watay.
Warar kaloo soo baxaya ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ahaa sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Xarakada Al-shabaab iskastoo aan si dhab ah loo ogeyn.
Iska Hor imaadkaan ayaa kusoo beegmaya xili saakay kooxo Hubeysan ay degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir ku dileen Gaashaanle sare Yaxye Xaaji Cali Aadan oo ka Tirsanaa Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya.

