Midawga Africa oo ku Goodiyay in ay ka Hortagi Doonaan Al shabaab in ay Caqabad ku Noqdaan Doorashada

0

Ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Midawga Africa u qaabilsan Somaliya Lydia Wanyoto, ayaa sheegtay in ay ka hortagi doonaan in Xarakada Al shabaab carqalad ku noqdaan Doorashada lafilayo in ay dabayaaqada sanadkaan  ka dhacdo Somaliya.

Lydia Wanyoto,Waxa ay sheegtay in ayaga oo kaashanaya  Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed  ay ka shaqayn doonaan sidii doorashada Somaliya ay ugu dhici laheed qaab nabdoon.

Midawga Africa ayaa tilmaamay in ay la shaqayn doonaan Guddiga dhawaan loosoo magacaabay doorashada madaxtinimo iyo midda baarlamaanka ee lagu wado in ay  dhacaan bilaha October , September ee Sanadkaan.

Taliyaha Ciidamada AMISOM, Generaal Osman Noor Soubagleh, ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamaay in ay samayn doonaan hawlgalo ka dhan ah Xarakada Al shabaab oo wali sugan qeybo kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.

Hadalkaan ayaa soo baxay kadib 4 maalin oo kulan ay yeesheen Taliyayaasha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM  iyo kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here