Bambaanooyin Caawa Lagu Weeraray Hoyga Wasiiru Dowlada Wasaarada Gaashaandhiga Soomaliya

0

Kooxo Hubeysan ayaa caawa bambaanooyinka   Gacanta laga Tuuro ku weeraray Hoyga Wasiiru Dowlada Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Federaalka Soomaliya Maxamed Cali Xagaa oo ku yaala Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.

Dhowr Bambaano ayaa la sheegay in lagu tuuray hoyga wasiiru Dowlada  Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada  Soomaliya oo sidoo kale sheegay in ay dagan yihiin Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaliya.

Qaar kamid ah ilaalada Hoyga wasiiru Dowladaha ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen bambaanooyinka lagu tuuray hoyga iskastoo aan si dhab ah loo ogeyn Tirada askarta dhaawacantay.

Dhanka kale lama xaqiijin karo in hoyga uu ku sugnaa Wasiiru DowladahaWasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Federaalka Soomaliya Maxamed Cali Xagaa markuu weerarka dhacayay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here