Hargeysa oo Lagu Soo Bandhigay Saxiixa in ka Badan Hal Milyan oo Ruux oo Dalbanaya Madax Banaanida Somaliland

0

Munaasabad ka dhacday Hoteelka Mansoor ee Magaalada Haregaysa ayaa Lagu soo bandhigay qoraal cabasho (Petition Letter) dadka reer Somaliland oo ahaa saxiixa in ka badan hal milyan oo ruux, kaasoo lagu dalbanayo Aqoonsiga iyo madax banaanida Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa soo qaban qaabisay Munaasabada lagu soo bandhigayay saxiixa in ka badan hal milyan oo ruux, kaasoo lagu dalbanayo Aqoonsiga iyo madax banaanida Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibada Maamulak Somali-land Dr Sacad Cali shire oo munaasabad ka Hadlay ayaa sheegay Bandhigan saxiixa codsiga loo gudbin doono Hey’adaha Caalamiga sida Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo dalalka Beesha Caalamka, si loogu muujiyo dareenka dadka reer Somaliland ee ku aadan inay noqdaan dal iskiis u taagan oo ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

Maamulka Somaliland oo sanadkii 1991 ku dhawaaqday inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaa wali ku guuleysan inuu helo aqoonsi caalami ah, inkastoo Caalamka ay ku bogaadiyaan deegaanada Somaliland inay ka jiraan nabad, xasilooni iyo dimoqraadiyad.

saxiixa saxiixa1 saxiixa4 B saxiixa6 saxiixa7 saxixa3B

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here