Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug oo Maanta kulan ku Yeeshay Magaalada Cadaado+Sawirro

0

Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen Magaalada Cadaado ee Caasimada kmg  u ah Maamulka, Kulankan ayaa ka dhacay aqalka madaxtooyada Dowlada Goboleedka Galmudug waxaana shir gudoominayay madaxweyne ku xigeenka Galmudug maxamed Xaashi Cabdi Carabey .

Wasiir kuxigeenka Wasaarada maaliyada maxamed farax axmed ayaa golaha wasiirada warbixin ku aadan maaliyada Maamulka u sharaxay golaha wasiirada miisaaniyada 2017-ka ee Galmudug Abuurida ilo dhaqaale cusub, fursado shaqo ee banaan ayadona suaalo laga weydiyay miisaaniyadi sanadkii tagay bilihii ugu danbeeyay. Waxaan miisaniyadii sanadkii tagay ka muuqatay in 23.2% la helay, taas oo ah mid aad u hooseysa.

Sidoo kale intuu kulanka Socday  ayaa warbixino laga dhageystay Guddi dhawaan loo xilsaaray qeybinta gargaarka dowlada turkiga keentay Soomaaliya kuwaasi oo Golaha u sharxay sida ay u qeybiyeen Raashinka.

14081223_10205753624558653_1456492237_n-768x432 14101518_10205753627838735_1858910432_n-768x432 14101663_10205753627798734_2061551119_n-768x432 14101907_10205753624798659_1192922763_n-768x432 14111717_10205753625838685_1380594441_n-768x432 14111962_10205753628478751_285979803_n-768x432 14138341_10205753627158718_267105090_n-768x432

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here