Dawlada Nageria oo Sheegtay in ay Duqeyn ku Dhaawacday Hogaamiyaha kooxda Boko Haram

0

Hogaamiyaha kooxda Boko Haram ayaa la aaminsanyahay in uu ku dhaawacmay weeraro diyaaradaha dagaalka ee dalkaas ay ka geysteen waqooyi barri sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas oo soo xigatay saraakiil sare oo ka tirsan dawlada.

Warka ayaa intaas ku daraya in dagaalyahano ka tirsan Boko Haram lala bar tilmaameedsaday duqayn dhinaca hawada ah kaynta Sambisa ee Gobolka Borno meel u dhow xuduuda dalka Nigeria uu la leeyahay wadanka Cameroon halkaas oo la sheegay in lagu dilay tiro aan la cadayn oo ka Tirsan Ma’uuliyiin Boko Haram.

Abubakar Shekau, oo ah hagaamiyaha kooxda Boko Haram.  inkastoo uu diiday bedel la sheegay in lagu sameeyay ayaa la aaminsanyahay in duqayntaas uu dhaawac qaybta sare ee jirkiisa uu kasoo gaaray sida uu sheegay maanta oo Talaado ah Colonel Sani Kukasheka oo ah afhayeen u hadlay Ciidamada Milatariga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here