Dowlada Kenya oo Adkaynaysa Ammaanka Xuduuda ay Soomaliya La leedahay

0

Dawlada Kenya ayaa sheegtay in ay adkaynayso ammaanka soohdinta u dhaxaysa Somaliya iyo Kenya si ay uga hortagto in Al shabaab ay bur buriyaan kaabayaasha isgaarsiinta gobolka waqooyi barri ee dalka Kenya sida uu sheegay Xiriiriyaha gobolkaas Mohamud Saleh.

Waxa uu sheegay in qaraxyadii lagu bur buriyay labadii xarumood ee shirkada Safaricom ay ku laheed  deegaanada Lafey iyo Fino ee degmada Mandera u jeedkoodu uu ahaa in lagu cuuryaamiyo isgaarsiinta gobolkaas iyo kuwo lagu carqaladaynayo ammaanka.

Mohamud Saleh ayaa yiri  “Waxaan wadnaa hawlgalo dhulka ah oo ammaanka lagu sugayo kuwaas oo laga  sameenayo xuduuda  halkaas oo ay ka jiraan falal ammaandaro, Al Shabaab ay ka wadaan hawlgalo ay ku cuuryaaminayaan kaabayaasha isgaarsiinta ayagoo  ku soo qaadaya weeraro gaadmo ah magaalooyinka dhaca xuduuda”

Xiiiriyaha ayaa xusay in 14bilood dhawr weerar ay ka dhaceen soohdinta uu gobolka waqooyi barri la leeyahay Somaliya, sidoo kale waxaa uu sheegay in Al shabaab ay qorshaynayaan in ay qarxiyaan ceelasha biyaha ee ku yaala magaalooyinkaas balse waxaa uu sheegay in ay ku guulaysteen in ay ka hortagaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here