Hay’adaha ka shaqeeya gargaarka ayaa soo dhoweeyay hadalkii kasoo baxay dawlada Kenya ee ku aadanaa in ay kalaabanayso xiritaanka Xerada Dhadhaab sanadkaan.
War kasoo baxay wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in dawlada Kenya ay ka baqsanayso xiritaanka Xerada Dhadhaab illaa iyo inta xasilooni looga soo dabaalayo dalka Somaliya.
Muddo ka badan 20 sano ayaa xeradaas waxaa ku noolaa qaxooti Somaliyeed oo aad u badan oo ka cararay dagaalada ka dhacayay dalka Somaliya halka in badan oo ka mid ahna ay ku dhasheen xerayaha qaxootiga.
Wadanka ku yaala bariga Africa ee Kenya ayaa ku dhawaaqay 6 May ee sanadkaan in uu xirayo xerada Dhadhaab marka lagaaro 30 November ee sanadkaan kadib waqti dheer oo uu sheegay in uu usoo dulqaadanayay.
Kenya ayaa sheegtay in ay qorshaynayso in ay yarayso dadka qaxootiga ah ee ku nool Dhadhaab kala bar, balse waxaa lagu eedeeyay in si qasab ah ay ku celisay 150,000 oo qof oo qaxooti Somaliyeed intii lagu guda jiray sanadkaan 2016-kii.
Wasiirka arrimaha gudaha Joseph Nkaissery ayaa sheegay in dawlada Kenya ay dib uga laabatay go’aankii ay ku xireyso Xerada Dhadhaab illaa dib loo soo celiyo nabadii dalka Somaliya.

