Afhayeenka Al-Shabaab oo ka Hadlay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa  ee ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

0

Afhayeenka  Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo wareysi siiyay warbaahinta Taageerta Al-shabaab ayaa ka Hadlay weerarkii ismiidaaminta ee Todobaadkaan Gudihiisa lagu qaaday Magaalada Gaalkacyo  Gobolka Mudug ee dhanka Puntland, iyo hoobiyayaashi lagu weeraray xarunta Wasaaradda Gaadiidka.

Shiikh Cali Dheere Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-Shabaab  ayaa sheegay in Weerarkii Ismiidaaminta ee Axadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo  ee Gobolka mudug  in ay la heleen halkii bartilmaameedka u ahaa, waxa uuna intaa raaciyay in Weerarla lagu qaaday xarun ay ku aruursanaayeen wax uu ugu yeeray Cadow-ga Umadda, waa siduu hadal u dhigee.

Afhayeenka Xarakada  Al-shabaab waxa uu sheegay in weerarkaas ay ku dileen dad u dhaxeeya 40 ilaa 30-qof  oo uu tilmaamay in Cadaw ahaayeen sidoo kale ku bur buriyeen daartii Shirqoolka oo ku taala Xarunta Dowlada Hoose ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere)   waxa uu ka hadlay sababta ay mar walba weerarrada ula beegsadan Maamulka Puntland, isagoona sheegay in Maamulkaas uu gacan saar la leeyahay Dowladda Itoobiya, islamarkaana ay fuliyaan danaha iyo Masaalixda Dowladaas waa siduu hadal u dhigee.

Sidoo kale Afhayeenka  Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) waxa uu si kooban ugu Hadlay weerarkii Hoobiyayaasha ee lagu weeraray Todobaadkaan  Gudihiisa Xarunta Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee ku taala Degmada Shangaani  wuxuunta Tilmaamay in ay qeyb ka yihiin howlgalada ka socda Magaalada Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here