Muwaadin Somaaliyeed ay da’diisu tahay 8 jir ayaa lagu dilay bam gacmeed lagu tuuray guri uu waalidkiisa kula noolaa oo ku yaala magaalada Gothenburg ee dalka Sweden sida ay sheegeen Booliska.
Ala Ha U naxariistee Yuusuf Warsame oo asaga iyo waalidkiis iyo walaalihiis ay ka yimaadeen magaalada Birmingham ee dalka UK ayaa waxaa ay wax ka joogeen xaafad ku taala Biskopsgarten ee magaalada Gothenburg halkaas oo ay booqasho ugu yimaadeen Eheladooda oo Magaaladaas ku nool.
Boolska ayaa ficilkaas waxa ay ku tilmaameen wax laga xumaado waxaana ay sheegen in ay suurtogal tahay in ay ka dambeeyaan dad dambiilayaal ah.
Nin lagu eedeeyay in uu dil geystay sanadkii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in uu guriga hadda uu dilku ka dhacay uu ku noolaan jiray sida boolisku ay xaqiijiyeen.
“Waa in aan ogaanaa hadii arrintaan ay xidhiidh la leedahay falkaas aragtideenana waxaan isleenahay in ay xidhiidh la leedahay”sidaas waxaa yiri afhayeen booliska u hadlay oo layiraahdo Thomas Fuxborg,
Ugu yaraan 5 caruur ah iyo dhawr qof oo dad waaweyn ah ayaa la sheegay in ay gurigaas ku noolaayeen xiliga bam gacmeedka lagu tuurayay, Yuusuf Warsame ayaa waxaa soogaray dhaawac halis ah waxaana uu u dhintay dhaawacaas intii loosii waday isbitalka.
Thomas Fuxborg, ayaa xusay wiilkaan yar iyo qoyskiisa aysan u diiwangashaneen in ay gurigaas ku noolyihiin.
Hooyada dhashay Wiilka yar iyo walaalihiis ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen hal qol markii uu weerarku dhacayay waxaana soo gaaray dhaawacyo yaryar marka laga reebo wiilka dhintay, sida ay eheladiisa ay u sheegen wargeyska Birmingham Mail ee kasoo baxa dalkaas.

