Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Amisom oo La Wareegay Deegaano Dhaca Galbeedka Magaalada Baledweyne

0

Cidamada Xoogga dalka Soomaliyeed oo gacan Milatari ka helaya kuwa Amisom ayaa  maanta Howlgal kula wareegay deegaano iyo tulooyi dhaca Galbeedka Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Deegaanada ay ciidanka dowlada Soomaliya iyo kuwa Amisom   gaar ahaan kuwa Jabuuti ay la wareegeen  ayaa kala ah Ceelbaar, Luuq Jeelow iyo deegaanno kale, waxayna qiyaas ahaa 30 Km u jiraan magaalada Baladweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan waxaa hoggaaminaya Maxamed Ibraahim C/laahi oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Hiiraan, Guddoomiyaha magaalada B/weyne Maxamed Cismaan Cabdi Qallaafow,Taliyaha guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka Somaliyeeed Korneel Tawane Axmed Gurey, Taliyaha ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee gobolka Hiiraan Korneel Xasan Jaamac iyo saraakiil kale.

Arintaan ayaa kusoo beegamaysa xili Bishaan Gudaheeda Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ay weerar qorshaysan ay ka fuliyeen deegaanka Luuq Jeelow waxaa howlgalkaas  lagu dilay madaxii Howlgalada Al-shabaab  ee Gobolka Hiiraan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here