Duqa degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug Maxamuud Yaasin Tumay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaysan dawlada hoose waxba u dhimin qaraxyadii Mataanaha ahaa ee dhawaan ka dhacay xarunteeda dibna ay u bilaabayso shaqadeedi.
Mudane Maxamuud Yaasin Tumay duqa Degmada Gaalkacyo waxa uu Tilmaamay in Dowlada Hoose ee Gaalkacyo ay dib u dayac tir ku sameyn doonto Gobihii ay waxyeelada gaarsiiyeen qaraxyada ka dhacay todobaadkaan Magaaaladas.
Duqa Gaalkacyo ee Maamulka Puntland Maxamuud Yaasin ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in dawlada Hoose bilaabayso Qaadista Canshuurtii maalin aheyd oo hakad ku yimid kadib qaraxii Magaaladaas ka dhacay.
Gaba Gabadii Duqa Cusub ee magaalada Gaalkacyo ayaa shacabka ugu baaqay inay dhiiri galin ka dhigtaan dhacdooyinkii ka dhacay Gaalkacyo oo shaqadoodasii wataan sidoo kalana ay la shaqeeyaan Ciidamada dawlada Puntland.

