Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa madaxda dalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ugu baaqay in ay usoo jeestaan badbaadinta Shacabka Soomaliyeed intii ay ku mashquuli lahaayeen Siyaasadaha dalka.
Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubba-land oo ka Hadlayay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee dhanka Puntland ayaa Tacsi u direy Eheladii dadkii ku dhintay isagoo u rajeeyay Caafimaad dadkii ku dhaawacmay weerarkaas.
“Hala qaado tallaabo cad oo lagaga hortagayo mana-xayaashaas, aan aqoonin hooyo, ilmo, dhakhtar, culimo, cidaanaa birimageeda ah, aan ka xishoonayn qofna, ee isu tirinaaya oo oranaaya hala isu tiriyo imisa qof baa dhimatay.”
“Aad baan uga tacsiyadeynayaa eheladii, qaraabadii, Madaxweynaha, Maamulka Puntland iyo shacabka Soomaaliyeedba khasaaraha maanta meeshaas ka dhacay. Waxaana leeyahay Insha’Allah waa loo aari doonaa.”
Inta la xaqiijiyay 20-ruux dad kor u dhaafaya ayaa dhintay kadib markii labo gaari oo waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray Xarunta Dowlada Hoose ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

