Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Caasimada Kmg-ga Maamulkaas.
Waxaa shir Gadoominayay Kulanka Golaha wasiirada Koonfur Galbeed Soomaliya Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan sheekh Aaden.
Kulankaas ayaa waxaa looga Hadley arimo fara badan oo ay ka mid yihiin Amaanka Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Isla markaana Gollaha Wasiirada waxay Ansaxiyeen misaaniyada afarta bilood ee Soo socota ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulanka kadib waxaa Warbaahinta la Hadlay Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Xasan Cabdi Maxamed oo sharaxaad ka bixiyay Nuxurka Ujeeda Kullanka Gollaha Wasiiradda.








