Madaxweynaha Soomaliya oo Cambaareeyay Weerarkii ay Al-shabaab ku Qaadeen Magaalada Gaalkacyo

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Al-shabaab ay guuldarrooyin culus ku habsadeen awgeed ay doonayaan inay gummaadka shacabka u adeegsadaan muujinta saameyntooda.

Madaxweynaha ayaa ka hadlayey weeraradii  Al-shabaab  ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo, halkaas oo dad u badan shacab ay ku shahiideen.

“Dagaalka xaqa ah ee aan ku jirno ee hiilinta qiimaha nolosha dadka Soomaaliyeed wuu sii socon doonaa, waxaana idinku bishaareyneynaa in dhowaan la soo afjari doono, Al-shabaab  laga suulin doono geyiga Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika oo dhan”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadkii shahiiday ay noloshooda qaaliga ah ku waayeen iyagoo dalkooda iyo shacabkooda u adeegaya, isagoo Allah uga baryey inuu naxaristii janno ka waraabiyo, qoysaskii, eheladii iyo shacabka ay ka geeriyoodeenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha Ilaahay uga baryey dadkii ku dhaawacmey weerarkaasi waxashnimada ah inuu deg-deg caafimaad buuxa u siiyo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha waxaa uu farey laamaha amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay xoojiyaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo haatan maraya weji gebagabo ah.

——————————–DHAMMAAD————————-

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here