ilmo Da’diisa Lagu Qiyaasay 12-sano Jir oo Loo Maleynayo in uu Geystay  Weerarkii  ka Dhacay Dalka Turky-ga

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Gaziantep ee dalka Turky-ga ee  u dhow xadka Suuriya .

ilmo da’diisa lagu qiyaasay in ay u dhaxayso 12 iyo 14 ayaa la aaminsan yahay  In uu ka dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Gaziantep dalka Turky.

Madaxweynaha dalka Recep Tayyip Erdogan oo booqasho  maanta ku tagay goobta uu weerarka ismiidaaminta ka dhacay ayaa sheegay in baaritaano hor dhac ay muujinayaan in Ilmo da’diisa lagu qiyaasay 12- ilaa 14 uu ka dambeeyay weerarka.

“Caddaynta hore ayaa la aaminsanyahay in weerarka ay geesteen kooxda Daesh ,” ayuu yiri Madaweynaha dalka Turky-ga Recep Tayyip Erdogan, xili uu booqday magaalada Gaziantep ee weerarka ka dib. Waxa uu sidoo kale  sheegay in 69 qof ay ku jiraan isbitaalka oo 17 ka mid ah si xoogan u dhaawacmeen”.

Sukru Akdogan oo ah walaalka wiilka lagu tuhmaayo weerarka in uu geystay ayaa wakaalada wararka dalka Turky-ga ee Anadolu  u sheegay in aysan haynin xog ku aadan in wiilkooda uu fuliyay weerarka ka dhacay goobta xaflada Aroos  ay ka socotay.

160821133038-gaziantep-3-exlarge-169

kabtaan ayaa loo malaynayaa in uu xirnaa wiilka isqarxiyay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here