Xubno ka Tirsan Daacish iyo Shabaab oo Lagu Soo Bandhigay Magaalada Boosaaso+Sawirro

0

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa Lagu soo bandhigay   Saddex ruux  oo la sheegay in ay ka Tirsan Yihiin Kooxda Daacish iyo Xarakada Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya saddexdaan ruux ee ciidamada amaanka  gacanta ku soo dhigeen in labo ka mid ah lagu qabtay Koontaroolka Magaalada Boosaaso, halka ruuxa saddexaad lagu qabtay Garoonka Magaalada Boosaaso.

1-Axmed Aadan Cabdulaahi Aw-Cabdi (Shaafici), ayaa sheegay inuu ka mid ahaan jiray Shabaab, balse markii dambe uu ku biiray Kooxda Daacish ee Buuraha Galgala ku sugan, 2-Muuse Aadan Maxamed oo naaneestiisa ay tahay (Gaaldile) ayaa isagana waxa uu sheegay inuu ka tirsan yahay Shabaab, Ninka Saddexaad oo magaciisa la dhaho Cabdulaahi Ibraahim, ayaa 15 maalin ka hor wuxuu ka soo baxsaday  Al Shabaab, wuxuuna sheegay inuu ka cabsi qabo Shabaabka inay dilaan.

Deeganada Maamulka Puntland waxaa  maalmihii dambe ka socday Howlgalo la sheegay in lagula dagaalamayo dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.

1471760435f2543 1471760437a4306 1471760443d16b9 14717604405fcc7 14717604466aaf6 147176044712ed3

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here