Ugu yaraan inta la Xaqiijiyay 30 qof ayaa lagu dilay in ka badan 90 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay Koofurta Dalka Turkiga.
Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Gaziantep oo ku taala koonfurta dalka Turkiga gaar ahaan meel u dhow xuduuda dalka Siiriya waxaana la tilmaamayaa in qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu isku qarxiyay afafka hore guri ay xaflad aroos ka socotay.
Raisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Mehmet Simsek ayaa ku sheegay qaraxaas in uu ahaa mid Argagixiso oo ay geysteen kooxda islaamiga ah ee Daacish ah inkastoo wali cid si rasmi ah u sheegatay aysan jirin.










