Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa sheegay in ciidamada Dowlada Federaalka soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom ee ku sugan Gobolka Shabeelaha hoose ay hortaagan yihiin in Gobolkaas loo sameeyo Ciidamo Gaar ah oo ka qeyb qaata Nabadgalyada.
Shariif Xasan Shiikh aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa Tilmaamay in lagu guuleystay in Ciidamo gaar ah loo sameeyo deeganada iyo Degmooyinka Gobolada Baay iyo Bakool uu maamulka Koonfur Galbeed ka arimiyo balse ay dhibaato ku noqotay ciidamo sidaas oo kala ah in ay u sameeyaan Deeganada iyo Degmooyinka Gobolka Shabeellaha hoose.
Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa haatan ku sugan Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowlada soomaliya, AMISOM iyo kuwa koonfur Galbeed Soomaliya ilaa hadda ma jiro Ciidamo u gaar ah uu Gobolkaas leeyahay waxaa dhanka kale jira weeraro ay al-shabaab ku qaadaan saldhigyada ay ciidamadaas ku sugan Yihiin.

