Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa arin laga Xumaado ku tilmaamay dib u dhicii dhawaan ku yimid Doorashooyinka Soomaliya ka dhici lahaa sanadkaan 2016-ka.
15-ka Xubnood ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo maanta kulan ugu Furmay Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dib u dhaca dhawaan ku yimid doorashooyinka Soomaliya oo muddo Labo Bilood ah Lagu daray.
Madaxweynaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ahna Madaxweynaha dalka Malaysia Ramlan Bin Ibrahim oo Furitaanka Kulanka Golaha amaanka ee Magaalada New Yorka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Soomaliya ee sanadkaan dhici lahaa.
Bisha Aug ee Sanadkaan 2016-ka waxaa ku ek xiliga dowlada haatan uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo lasoo doortay sanadkii aan 2012-kii.
Garyaqaan Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagay) oo ah Gudoomiyaha Guddiga madaxabanaan ee Doorashooyinka ayaa shaaciyay in Xildhibaanada baarlamanka soo socda lasoo dooran doono inta u dhaxeysa Bilaha Sept 24 iyo October 10 halka Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya la dooran doono Oct. 25.
Halka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya la dooran doono Bisha Oct. 30, ee sanadkaan 2016-ka sida uu sheegay Garyaqaan Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagay) oo ah Gudoomiyaha Guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka oo dhawaan warbaahinta muqdisho kula Hadlay.

