Dhageyso:-Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaliya oo Lagu Eedeeyay in uu Burburiyay Wada-hadal u Dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlusuna

0

Maamulka Ahlusuna waljameeca ayaa ku eedeeyay  wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa in uu burburiyay wadahal u dhaxeeyay Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna oo dhawaan wajigiisa hore uu Furmay.

Afhayeenka Maamulka Gobolada Dhexe ee  Ahlusuna waljameeca  Shiikh Mursal Xeefow oo la hadlay idaacaada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka Tirsan Labada dhinac ay hadda ka hor wada kulmeen islamarkaana ay kawada hadleen sidii loo heshiis lahaa.

“Warka kasoo yeeray wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya waa mid dhaawacaya wadahadalkii u dhaxeeyay labada maamul, dhana waa hanjabaad , hadda ka hor waxaa wada kulamay madaxda labada dhinac waxaa lagu heshiiyay in sedex maalin kadib dib la iskugu soo laabto taasi ma aysan dhicin” ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolada Dhexe.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaal-ka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xussen Odawaa ayaa ugu Baaqay Madaxda Maamulka Ahlusun ee Gobalka Galgaduud Wada Hadal Xal loogu Raadinayo Khilaafka Siyaasadeed ee kala Dhexeeya Maamulka Galmudug Kaasi Dowlada Dhexe ee Soomaaliya ay garwadeen ka Noqonayso, wuxuuna dhanka sheegay in dowlada Soomaliya aysan aqbali doono maamul aan aheyn Galmudug in uu ka arimiyo Gobolada Dhexe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here