Warbaahinta caalamka iyo baraha bulshada ayaa si weyn u hadal haysa sawir naxdin leh oo laga soo qaaday wiil shan sano jir ah oo boor iyo dhiig ay jirkiisu qariyeen, kadib markii uu ku waxyeeloobay duqeyn ay Magaalada Aleppo ee dalka Syria ay ka fuliyeen Diyaaradaha Ruushka.
Sawirka wiilkan Yar oo dhex fadhiya gaari Ambalaas ah ayaa waxa baraha bulshada soo dhigey qaar kamid ah ururada u dooda xuquuqda adanaha ee wadanka Siiriya oo aad kaga xumaaday sida Diyaaradaha Ruuska ay u laynayaan Dadka maatida ah ee aan waxba galabsan.
Omran Daqneesh oo ah magaca wiilkan yar ayaa waxay dhakhaatiir ka daweeyeen Arbacadii dhaawacyo ka soo gaaray madaxa waalidiintiis ayaa sidoo kale ka badbaaday duqeynta, oo dhacday Todobaadkaan Gudihiisa.
Waxaa Maalmihii dambe sii kordhay Duqeymaha ay Fuliyaan Diyaaradaha Dowlada Ruushka oo dagaal kula jira kooxda Daacish Duqeymaha ayaa intooda waxa ay waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah oo aan waxba galabsan.







