labo xubnood oo ka mid noqonaya Baarlamaanka Federaalka Somaliya, kuwaasi oo bedel u noqon doona Xildhibaano horay u geeriyooday, ayaa shalay lagu dhaariyay kulankii Baarlamanka Soomaliya ee xarunta Golaha shacabka.
Labadan Xildhibaan ayaa lagu kala badalay Xildhibaan Burci Maxamed Xamze oo ku geeriyooday weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Naasa Hablood ee Magaalada Muqdisho iyo Xildhibaan C/laahi Jaamac Xuseen oo isagana lagu dilay weerarkii Hotel Ambassador ee dhacay 1-dii june 2016-ka.
Ala Ha u Naxariistee Burci Maxamed Xamze oo sidoo kale ahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Degaanka, Booskiisii waxaa loo dhaariyay wiilkiisa Xamze Siciid Xamze, halka Ex-Xildhibaan C/laahi Jaamac Xuseen Booskiisa loo dhaariyay Maxamed Aadan Qalabxoor oo bedel u noqon doona.

