Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo e Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Howlgal lagu soo qabtay dad kor u dhaafaya 100-ruux in laga sameeyay Gudaha Magaaladaas.
Howlgalkaan ayaa xooggiisa ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo uu ka arrimiyo maamulka Puntland, waxaana saraakiisha amniga Maamulkaas ay sheegeen in ujeedka Howlgalkaan uu ahaa sidii loo heli lahaa amni buuxa oo maagaalada ka hirgala.
Dhanka kale Taliye ku xigeenka Qeybta Booliska gobolka Mudug Cabduqaadir Faarax Shire oo la hadlay warbaaahinta ayaa sheegay in dadkaan ay holwglka ku qabteen u badan yihiin dhallinyaro, islamarkaana looga shakiyey inay qeyb ka yihiin amni darada Magaalada Gaalkacyo.
Mudooyinkii dambe Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa ka dhacayay dilal qorshaysan oo loo geysanayay Mas’uuliyiin ka Tirsan Puntland iyo dad shacab aha.

