Amisom oo ka Dalbatay Beesha Caalamka in Somaliya Laga Caawiyo sidii ay ugu Guulaysan Laheed Doorashada

0

Midawga Africa ayaa beesha caalamka ugu baaqay in Somaliya laga caawiyo sidii ay ugu guulaysan laheed doorashada La filayo in ay ka qabsoonto dhowaan dalka.

War kasoo baxay madaxa midowa Africa ee  AMISOM Francisco Madeira ayaa lagu sheegay in   nidaamka doorashada Somaliya oo sidii loogu talagalay u dhaca uusan guul u ahayn Somaliya oo kaliya balse uu sidoo kale guul u yahay Midawga Africa iyo Bulshada caalamka intaba.

Ambassador Madeira ayaa tilmaamay in Hormarka laga gaaray Siyaasada Somaliya uu tijaabo u ahaa waxa ay ka qaban karto Bulshada caalamka oo iskaashanaysa sidii loo xalin lahaa dhibaatada Argagixisada waxa reer Galbeedku ugu yeero dunida oo dhan Somaliyana dhibaatooyinkaas aysan u noqon lahayn kuwo u gaar ah.

Madaxa AMISOM ayaa hadalkaan  ka jeediyay war saxaafada loogu talagay oo maalintii arbacadii lagu qaybtay magaalada Muqdisho ayna kasoo qayb galeen xubnaha ugu sar sareeya AMISOM.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here