Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaliya oo Shacabka Soomaliyeed ka Codsatay in ay kala Shaqeeyaan Sugida Amniga

0

Abuukaate C/laahi Faarax Siyaasi oo ah Agaasimaha wacyi galinta bulshada wasaaradda amniga Gudaha Xukuumada oo la hadlay idaacada simba ayaa shacabka Soomaliyeed ugu baaqay in wasaaradda ay kala shaqeeyaan sugida amaanka inta doorashada ay socoto.

Waxa uu sheegay In ay wadaan qorshayaal kala duwan ay ugu Talagaleen sugida amaanka inta doorashada ay socota islamarkaana shacabka soomaliyeed dhankooda loogu baahan yahay in ay wasaaradda kala shaqeeyaan  amaanka.

Dhanka kale Abuukaate C/laahi Faarax Siyaasi oo ah agaasimaha wacyi galinta bulshada wasaaradda amniga Gudaha  ayaa shacabka Soomaliyeed sidoo kale ka codsaday in ay qaataan kaarka aqoonsiga dowlada hoose madaama dalka uu galaayo Marxalad kale islamarkaana ay labo jibaarmi doonaan Howlgalada Amniga xaqiijinta

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here