Maamulka Galmudug oo Sheegay in Xal Laga Gaaray Xiisad Dagaal oo ka Jirtay Deegaanka Godin labe ee Gobolka Galgaduud+Dhageyso

0

Waraarada Arimaha Gudaha Soomaaliya iyo tan  Maamulka Galmudug ayaa ku guuleystay in Xal laga gaaro Xiisad Dagaal oo Maalmihii Dambe ka jirtay Deegaanka Godin labe ee Gobalka Galgaduud  ee Bartamaha Dhulka Soomaliya.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali (Cismaan Dheere) oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay in Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaal-ka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xussen Odawaa  iyo Mas’uuliyiinka Tirsan Maamul Gobaleedka Galmudug ay ku Guuleysteen Xal laga gaaro Xiisad Dagaal oo maalmihiin danbe ka taagneeyd Deegaanka Godin labe.

Wasiirka ayaa Xusay Dhamaan Dhinacyadii ku lugta lahaa Xiisadaasi ay Ogolaadeen in Wada hadal lagu Xaliyo Wixii Sababay Gacan ka hadalka Qasaaraha Dhaliyey ee ka dhacay Deegaanka Gudin labe ee Gobolka Galgaduud.

Uga dambeyntiii Wasiir Cismaan Dheere ayaa ugu baaqay in la Xushmeeyo Heshiiska Hor Dhaca ah ee lagaaray islamaraana Dhinacyadu ay ka Fogaadaan Wax Walba oo Xiisad ka dhalin kara Deegaan Gudin labe oo Maalmihii Danbe ay isku hor fadhiyeen  Ciidamo Taabacsan Maamulka Galmudug iyo Maleeshiyaad Hubaysan .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here