Ahlusuna oo Kasoo Horjeysatay Maamulka Cusub oo Loo Magacaabay Degmada Luuq ee Gobalka Gedo+Dhageyso

0

Maamulka Ahlusuna Waljamaaca ee Gobalada Koonfurta Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Xiisad ka Dhalatay Maamul Cusub oo Madaxweyne ku Xigeenka Koowaad Maamulka Jubba-land Maxamuud Sayid Aadan uu u Magacaabay Degmada Luuq ee Gobalka Gedo.

Xoghayaha Difaaca Maamulka Ahlusuna ee Gobalada Koonfur  Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal (Geesa-dheere), oo u Waramay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Madaxweyne ku Xigeeka Maamulka Jubba-land ku eedeeyey  in Xiisad  Dagaal uu ka oogay Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobalka Gedo halkaasi oo sida uu Xusay uu ka Dhisay Maamulo ay ka soo horjeedaan Dadka Deegaanka iyo Ahlusunada Gobalka Gedo.

Sheekh Geesa-dheere oo Sii Watay Hadalkiisa ayaa Tilmaamay in aan lagala Tashan Dhismaha Maamulka loo Sameeyey Degmada Luuq ee Gobalka Gedo waxa uuna intaa sii raaciyey Maamulka Jubba-land ay qaadi doonaan Mas’uuliyada Dhibtaada ka dhacda Degmada Luuq.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here