OdayaaSha G/Hiiraan oo Dowlada Ugu Baaqay inay La Timaado Siyaasad Cusub oo Lagu Hagi karo Shirka Maamul u Sameynta

0

Odayaasha Gobalka Hiiraan ayaa Dowlada Soomaaliya ugu Baaqay inay la Timaado Siyaasad Cusub oo lagu hagi karo Hanaanka Maamul U sameynta Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo muddo Hakad ku jira.

Nabadoon Shiikh Aadan Max’ed  oo ka mid ah Odoyaasha Gobalka Hiiraan oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Ugu Baaqay inay Siyaasada Cusub ay u dajiso Maamul u Sameynta Labadaas Gobal waxa uuna Xusay Dowlada Dhexe ay Mas’uuliyad ka saaran tahay Sidii Gobalada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan loogu dhislahaa Maamul Gobaleed ka mid noqda Dowlada Gobaleedyada Xubnaha ka ah Dowlada Dhexe ee Soomaaliya .

Shirka Maamul u sameynta Gobalada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ee Magaalada Jowhar oo Mudooyinkii dambe hakad ugu jiray Khilaaf Soo kala Dhex-galay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Odayaasha Gobalada oo isku Fahmi waayey Qaabka Beelaha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe loogu qeybin lahaa Awooda Maamulka la soo Dhisayo waxaan Dowlada Soomaaliya ay mar kale ku celisay inay ka Go’an tahay Dar-dar galinta Shirka Magaalada Jowhar ka Hor inta aan lagaarin Doorashooyinka Dadban ee Dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here