Booliska degmada Kwale ayaa sheegay in ay dileen nin Al shabaab ka Tirsanaa xili uu ku sugnaa xaafada Vingirika oo ka tirsan degmadaas islamarkaana ay gacanta ku dhigeen bamba gacmeedyo uu watay sida ay hadalka u dhigeen.
Mohamed Bakari oo ah muwaadin Kenyaati ah ayaa waxa la tilmaamay in ay toogten Ciidamada ka hortaga waxa Argagixisada loogu yeero kuwaas oo sidoo kale gacanta kusoo dhigay laba bam gacmeed oo uu watay sida saraakiil ka Tirsan Ciidamada Booliska Kenya ay u sheegeen Wargeyska the star ee kasoo baxa dalka Kenya.
Booliska ayaa xusay in ninkaan horay uga tirsanaa Xarakada Al shabaab balse uu sheegay in uu kasoo laabtay dhawaan.
Taliyaha booliska degaankaas Benjamin Rotich ayaa sheegay in bulshadu ay kala qayb qaateen sidii ninkaas loo dili lahaa.
Dilkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii dawlada Kenya ay soo bandhigtay lacag gaaraysa 2million oo shillin-ka Kenya ah oo loo balan qaaday cidii soo sheegta nin lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay wereero badan oo ka dhacay degmada Lamu.

