Wararka ka imaanaya Deegaanka Leego oo ka tirsan Goboka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Qarax Khasaare geystay lagula beegsaday halkaas Kolonyo ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.
Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu qabsaday gaari ka mid ahaa Kolonyada Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ee xilligaasi maraayay wadada,
Kolonyada qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay ka Ambabaxeen Deegaanka Balidoogle oo ay sahay ka qaadeen islamarkaana ay kusii jeedeen Deegaano ka tirsan Gobolka Baay.
Warar lagu baahiyay Baraha Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay qarax miino la eegteen Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Amisom islamarkaana ay Gubeen Mid kamid Gaadiidka Ciidamada Amisom.

