Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa maanta Dekadda Magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay Raashin ay laheyd dowlada Masar oo loogu talagalay shacabka soomaliyeed balse halaabay sida Wasaarada ay sheegtay.
Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/rashiid Xidig oo Maanta warhaahinta kula Hadlay Gudaha Dekada Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in baaritaano dheer kadib ay wasaaradda ku Guuleysatay in ay gacanta ku dhigto Konteenaro ay ku jireen Raashinka Halaabay.
“Waxan rabaa inaan cadeeyo raashinkii ay soo direen Dowladda Masar, oo idinka aad indhihiina ku arkeysaan inuu yahay mid aanan la isticmaali karin, lana siin Karin shacabka Somaliyed, sababtuna ay tahay baaritaan Hay’adihii ku lug lahaa iyo dhamaan aan isla eegnay, soo qaadista cida soo qaaday iyo Kuntineerada la soo saaray iyo cida soo qaaday ee Kuntineerada soo saarta”, ayuu yiri Mudane C/rashiid Xidig.
Isagoo hadalkiisa sii wata Wasiiru Dowladaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane C/rashiid Xidig ayuu sheegay in ay kaga mahadcelinayaan Dowlada Masar iyo safaarada Masar ee soomaliya deeqda balse qaladka dhacay ay leedahay shirkadii loosoo wakiishay Deeqda Raashinka oo aan Mas’uuliyad iska saarin.

