Dagaalyahano Shabaab Ah  oo ka Qeyb Qaatay Weerarkii Lagu Dilay Madaxii Howlgalada Shabaab ee G/Hiiraan +Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya Deegaanka Luuq-jeeloow oo dhaca Galbeedka Magaalada Baled-weyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Ciidamada Xarakada ay deegaankaas ka afduubteen 12-ruux oo isugu jirey odoyaal iyo dad shacab ah.

Dadka la afduubtay ayaa lala xiriirinayaa In ay wax ka ogaayeen weerar xalay lagu dilay sarkaalkii al-shabaab u qaabilsanaa dhanka Howlgalada Gobolkaas Cabdi Cali iyo saraakiil kale oo deegaanka ku sugnaa.

Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowlada soomaliya  oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen Ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo garab ka helaya dagaalyahano kale oo ka Tirsan al-shabaab oo ku qabiil ah sarkaalkii la dilay.

Maxamed Cusmaan Cabdi( Macalin qalaafow) oo Gudoomiyaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in sarkaalka la dilay uu ka dambeeyay Gowraca iyo dilal ka dhacay Gudaha Magaalada magaaladaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here