Dhageyso:-Dowlada Soomaliya oo Sharcidaro ku Tilmaamtay Heshiis-ka Dekadda Magaalada Berbera

0

Dowlada Soomaliya ayaa sharcidaro ku tilmaamtay  Heshiis ay wada galeen Maamulka Somaliland iyo Shirkada Dubai Port World oo lagu maalgalinayo Dekedda Magaalada xeebeedka Berbera.

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Nuur Faarax Jimcaale oo la hadlay Laanta Afka soomaliga ee Voa-da ayaa sheegay in heshiiska ay wada gaaren soomali-land iyo shirkada  Dubai Port World in uu yahay mid sharcidaro ah islamarkaana aan lagu soo wargalinin dowlada soomaliya.

Dr Nuur Faarax waxa uu tilmaamay in dhamaan Dekadaha dalka ku yaala iyo kuwa Maamul goboleedyada ay mas’uul ka tahay dowlada soomaliya islamarkaana ay tahay mid kaliyah ee go’aan ka gaari karto arrimaha heshiiska.

Dhinaca kale, maamulka Somaliland ayaa waxkama jiraan ku tilmaantay hadalka Hanti-dhowraha dowladda Somalia Dr Nuur Faarax.

Wasiirka qorsheynta Somaliland Cali Xuseen Ismaaciil ayaa VOA u sheegay in Somaliland ay ka madax banaan tahay Somalia, isla markaana ay heshiis walba la gali karto cidda ay doonto.

Golaha wakiilada Maamulka Somaliland ayaa dhawaan ansixiyay heshiis ay wada galeen xukuumada Somaliland iyo Shirkada Dubai Port World oo lagu maalgalinayo dekedda magaalada xeebeedka Berbera.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here