Burcad Badeed Soomaali ah oo Lagu Xukumay Shan Sano oo Xabsi Dalka Mauritius

0

Maxkamad ku taala Magaalada Port Louis, ee dalka Mauritius ayaa   xabsi 5-sano ah ku xukuntay Burcad badeed soomali ah kadib markii lagu eedeeyay in ay weerar ku qaadeen Maxkamad Xumuul ahaa.

Burcad badeedaan Soomalida gaareysa 12-ruux ayaa lagu eedeeyay inay weerareen markab nooca xamuulka qaada ah oo lagu magacaabo MSC Jasmine,kaasoo ka dulbabanayay calanka waddanka Panama.

14-kii July ee sanadkan ayaa la sheegay in Burcaddan lagu caddeeyay kiiska loo haysto, kuwaasoo ay ciidamada la dagaallanka Burcad badeeddu ka qabteen Badweynta Hindiya Bishii January sanaddii 2013-kii.

Maxkamado ku yaala dalalka Mauritius, Kenya,  Tanzania, iyo Jaziirada Seychelles  ayaa lagu Maxkamadeeyaa Burcad badeeed soomali ah xili lasoo qabto iyagoo dhac u geysanay maraakiib laga leeyahay dalal kala duwan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here